Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi u diray Laba Marxuum Oo Shacabka Ka Baxay.

TACSI MADAXWEYNE: 02/04/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:

1.Yaasin Cali Cabdi (Yaasiin Tamaad) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 02/04/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka mid ahaa gudooomiye gobol.

2.Cabdirisaaq Maxamed Toor  oo ku geeriyooday xalay  oo ay taariikhdu ahayd 02/04/2020, magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, oo uu mar ka ahaa maayarka magaalada.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ku sifeeyey laba oday oo ka baxay qaranka Somaliland, doormuhiina ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland ku wada dhaqan iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoysaska, ehellada, qaraabada, asxaabta, ciidamada Booliska iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada  JSL.