Askarigii ugu horeeyay Ciidamada AMISOM ee Muqdisho oo laga helay cudurka Coronavirus.

Muqdisho(GNN):-Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo u dhashay dalka Uganda, kana howlgala Soomaaliya ayaa la sheegay in laga helay xanuunka COVID-19.

Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan AMISOM askariga laga helay cudurkaCoronavirus ayaa ka howgeli jiray Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo inuu halkaasi ka qaaday cudurka.

Wararka ayaa sheegaya Askarigan u dhashay dalka Uganda ee ku sugnaa Muqdisho aanu ka bixin Soomaaliya mudo lix bilood ah, Waana askarigii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidamada AMISOM ee laga helo cudurka Coronavirus.

AMISOM ayaa la sheegay inay qaaday tallaabooyin caafimaad oo uu ka dhaqan geliyey xarunta hawlgalka AMISOM iyo xarumaha kale ee ciidamada oo ay ka mid yihiin wacyigelin.

Laba qof oo ka mida shaqaalaha qandaraasleyda ah ee xafiiska Q/Midoobey ee Somalia UNSOM ayaa laga helay cudurka Coronavirus.

 

Muqdisho Somalia

Gabiley News Network