Video: Qabri qodayaasha MUQDISHO oo shaaciyey tirada dadka ay maalintii aasaan oo aad u korortay.

Muqdisho(GNN):-Qaar ka mid ah qabri qodayaasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay culeys badan kala kulmayaan tirada dadka ku dhimanayo magaalada oo sii badanaya.

Mid kamid ah qabri qodayaasha oo lagu magacaabo Cali Maxamed lana hadlay telefishinka Shabelle ee magaalada Muqdisho, kaasoo ka shaqeeyo hal goob oo dadka lagu aaso, ayaa sheegay inay maalintii qodaan 30-40 qabri, islamarkaana ay maalmaha qaar ka tagaan iyagoo dhammaan dad ku aasay.

“Maalintii waxaan qodnaa 30-40 god, mararka qaar waxaan ka hoyanaa iyadoo 10 kaliya aan waxba lagu aasin, halka maalmaha qaar dhammaan la isticmaalo,” ayuu yiri.

Cali Maxamed ayaa sheegay in dadka ay aasaan dhammaantood ay kawada sinaayeen inay ku jireen darees cad oo uu ula jeeday kuwa loo geliyo dadka uu ku dhaco cudurka coronavirus.

“Waligey intaan shaqadaan ku jiray ma arkin inaan hal goob hal maalin ku aasno tiro intaan la eg, dhammaan dadka aan aasnay waxay ka sinayeen inay ku jireen dhar cad cad,” ayuu sii raaciyey.

Illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo dadkaan tirada badan ee maalin kasta lagu aasayo Muqdisho inay u dhinteen cudurka coronavirus oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay inuu si weyn ugu faafay magaalada.

Waxaa aad u yar tirada dadka ay maalin kasta dowladda ka baari karto cudurka, taasi oo horseeday in dad badan ayaga oo qaban xanuunka ay iska socdaan magaalada.

Caasimada Online ayaa horey u qortay in dadka magaalada ay ka cabanayaan xanuun isku mid ah oo cusub, islamarkaana leh astaamaha Coronavirus, oo ku dhacaya.

Halkaan hoose ka daawo warbixinta qabri qodayaasha.