Ciidamada cirka Itoobiya oo sheegay iney Al-Shabaab ku laayeen gudaha Soomaaliya

Taliska ciidamada cirka Itoobiya ayaa sheegay weerar ay diyaaradahooda ku qaadeen Koratale iyo Yurkud iney ku dileen 17 dabley oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ku xigeenka taliyaha ciidamada cirka ee Bariga Itoobiya gaashaanle Habtom Zenebe wuxuu sheegay ciidamada A-shabaab ee ay weerarkaasi ku dileen iney dhammaantood ahaayeen kuwa u qaabilsanaa aasidda miinooyinka.

Warmurtiyeed qoraal ah oo ay wasaaradda gaashaandhigga soo saareen waxay sheegeen hubeysnayaasha Al-Shabaab ee la laayey iney ka kicitimeen Dolow ayna damceen ciidama Itoobiya oo kolonya ah oo maraya agagaarka Baydhaba ay weerar miino la beegsadaan.

Waxayna ciidamadu sheegeen dhammaan raggi weerarkaasi qorsheynayey oo 17 ka koobnaa dhamaantood la dilay.

Hase yeeshee, dhinaca ururka Al-Shabaab wax war ah oo ku saabsan qasaarahaasi la sheegay in loo geystay ciidama ka tirsan kama soo bixin.

Itoobiya waxay ciidamadeeda gudaha Soomaaliya howlgal ka billaabeen 10 sana ka hor iyaga oo marki dambana qayb ka noqday ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala.