Dal karantiilay dhammaan wasiiradiisa iyo xildhibaanadiisa

Botswana ayaa muddo 14 cisho ah karantiishay dhammaan 57 xildhibaan kaddib markii kalkaaliye ka howlgalayay baarlamaanka dalkaas laga helay cudurka Covid-19 ee uu sababo feyraska Corona.

Waxaa go’aanka karantiilka qasabka ah ee la geliyay xildhibaanada ku dhawaaqay agaasimaha caafimaadka ee dalkaas, sida laga soo xigtay qoraal ay dowladda soo dhigtay barta Twitter-ka.

Bostwana waxay Khamiistii xaqiijisay 7 qof oo uu ku dhacay Coronavirus, waxaan kamid ah shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarunta baarlamaanka ee dalkaas, waxay xilliggaas lahaayeen kalfadhi.

Madaxweyne Mokgweetsi Masisi ayaa ka qeybgalay kalfadhiga ay xildhibaanada lahaayeen, waxaana dalkaas looga dhawaaqay xaalad deg deg ah muddo lix bilood ah.

Botswana waxay haatan xaqiijisay ilaa 13 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona.

Waxaana dalkaas lagu soo rogay xayiraad soconayo muddo 28 maalmood ah si looga hortaggo Covid-19.