Yoweri Museveni oo gurigiisa ku jimicsanaya

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa baahiyay muuqaal muujinayo isaga uu gurigiisa jimicsi ku sameynayo si uu ugu dhiirogeliyo muwaadiniinta dalkaas inay guryahooga joogaan si looga hortaggo cudurka Coronavirus.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa la arkayay isaga oo kabo la’aan ah xilli loo tirinayay jimicsiga u sameynayay.

Arbacadii Museveni waxaa la mamnuucay in jimicsi lagu sameeyo goobaha ay dadka ku kulmaan kaddib markii baraha bulshada lasoo geliyay muuqaallo iyo sawirro muujinaya dad koox koox ah oo jimicsi ku sameynayo gudaha magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Museveni uu shaaca ka qaaday in uu is caateeyay si uu diiradda caafimaadkiisa.

Bishii January wuxuu Museveni lugeeyay ilaa 200 Kiiloomitar, wuxuuna maray deegaanka Luweero triangle halkaas oo fariisin u aheyd dagaalkii uu awoodda kula wareegay.

Uganda waxay xaqiijisay 53 qof oo uu ku dhacay Coronavirus.