Hay’ada Sirdoonka u Qaabilsan Somalia Oo Wariyaha VOA Harun Macruf Ku Eedaysay Inuu Khatar Ku Yahay Dawlada+Faallada Yuusuf Garaad.

Muqdisho(GNN):-Qoraal kooban oo habeenkii xalay lagu daabacay Bogga ay twitterka ku leedahay hay’ada Sirdoonka Somalia ee lagu magacaabo “NISA” ayaa sheegtay in Wariyaha Haaruun Macruuf uu Khatar ku Yahay Aminga Qaranka Somalia, Iyagoo uga Digay in Masuuliyiinta Somalia xilalka ka hayaa ay iska ilaaliyaan inuu la soo xidhiidho waxaaney sheegeen inay Laamaha ciidamada u gudbin doonaan baadhisaha iyo dabagalka arrintiisa, waxaa sidoo kale ay ku sheegtay NISA qoraalkeeda in wariye Haaruun Macruuf uu ku Kacay Arrimo ka baxsan anshaxa Saxaafada.

Halkan Ka Akhri Xogta Lagu baahiyey Barta Twitterka ee NISA.

Haddaba Arrintaan Ayaa Waxaa Faallo Ka Bixiyey Saxafigii hore BBC-da Yuusuf Garaad Xilal kala duwana Kasoo Qabtay Dawlada Somalia.

YUSUF GARAAD: “ MA OGI WAXA AY NISA SHEEGTAY IN AY IYADU KA OGTAHAY HAARUUN MACRUUF”

Mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka.

Haddana ma jecleysan farriinta ay NISA soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya.

Laba eedeymood oo ay NISA u jeedisay weriyaha ayaa ah falal ka baxsan anshaxa saxaafadda iyo xiriirro khatar ku ah Amniga Qaranka.

Anshax marin saxaafadeed Sirdoon shaqo kuma laha.

Haddiise ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka.

Markaas tallaabada la gudbooni waa in ay wargeliso booliiska, baaritaan uu sameeyo, ka dibna ay Xeer ilaalintu kiis ku soo oogto cidda dembiga lagu tuhmay.

Maxkamad la wada aado. Caddeymaha eedeynta iyo Difaaca eedeysanaha dooddiisa uu isu miisaamo Garsoore. Sharcigu uu shaqeeyo.

Dal Dimuqraaddi ah, oo sharci iyo kala dambeyn leh, hey’addiisa sirdoonku weriyayaashana uguma hanjabto baraha bulshada.

Sirdoonkuna hey’adaha dalkiisa xog xasaasi ah uguma gudbiyo Saxaafadda bulshada.

Ma jecleysanayo in aan arrimaha Hey’addeenna Sirta Qaranka uga hadlo Saxaafadda Bulshada, laakiin iyada ayaa dooddaas keentay isla goobtaan.

Su’aasha Dowladda Federaalka u taallaa waxay tahay:

Haddii Hey’adda Sirdoonka ay Dowladdu ka adeejisay in ay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga?

Muqdisho Somalia
Gabiley News Network
Contactgabileynews@gmail.com