Imaaraadka oo Itoobiya ku deeqay qalab caafimad ee lagula tacaalo Covid-19

Imaaraadka carabta ayaa Itoobiya ku deeqay qalab caafimaad oo gaaraya 15 tan oo looga hortago cudurka Covid-19.

Qalabka imaaraadka uu ku deeqay dalka Itoobiya ayaa ka kooban dharka dhakhaatiirta ay cudurka isaga ilaaliyaan maaskarada sanka iyo afka lagu xirto iyo agab kale.

Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa dowladda isutagga imaaraadka uga mahadceliyey agabka caafimaadka ay Itoobiya ku deeqday xilli ay Itoobiya aad ugu baahneed qalabkaasi.

Wuxuu mahad gaar ah uu u jeediyey Amiirka Imaaraadka Shekh Maxa’ed Bin-Zaa’id sida uu had iyo jeer uu u garab istaago Itoobiya iyo waddamada kale ee qaaradda Afrika.