Jilaaga caanka ee Bollywood Shah Rukh Khan oo safka hore uga jira ka hortaga Corona Hindiya

Xiddiga Bollywood, Shah Rukh Khan, ayaa sheegay inuu howl wadeenada caafimaadka uu ku deeqi doono agabka ay isku ilaaliyaan xilliga ay la tacaalayaan dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Jilaagan oo 54 sano jir ah, ayaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu samaynayo dadaalo badan oo uu uga qayb qaadanayo ka hortago fayraska

Wajiyada ugu caansan ee dalka looguna aqoonsiga badanyahay ayuu ka mid yahay.

Mr Khan wuxuu jilay filimaan ka badan 90.

Dadka u dhintay Coronavirus dalka Hindiya ayaa gaaraya 339.