Indonesia Oo ‘Dad Shayaadiin U Eg’ Wadooyinka Kusii Daysay

Dawladda Indonesia ayaa bilawaday in ay wadooyinka qaar ka mdi ah jasiiradaha waddanka kusii dayso rag isu soo ekaysiiyay shaydaan ama wax dadku ay ka argagaxaan, si dadku ay u joogaan guryahooda.

Arintan ayaa ka danbaysay kadib markii dadka qaar ay u hogaansami waayeen awaamirta dawladda, iyadoo ay usoo baxeen wadooyinka xili khatarta caabuqa Coronavirus uu ka jiro dalkaas.

Dadka qaar ayaa qaba in ay tallaabada dawladdu ku dhiirgalisay dad badan in ay dibadda usoo baxaan, si ay u arkaan shaydaan-la-moodka bini aadamka ah oo qaarkood ay wax laga maadsado kasoo qaadeen.