War Deg-Dega-Fanaan Cumar Cabdulle Shooli Oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Muqdisho(GNN):-War hadda Soo gaadhay ayaa Xaqiijiyey In  Magaalada Muqdisho uu Caawa Fiidkii ku Geeriyooday Alle haw Naxariistee Fanaankii Weynaa Cumar Cabdulle Shooli, geerida, 

Fanaan Cumar Cabdulle Shooli ayaa kamid ahaa Fanaaniitii kooxda hobolada Waaberi isagoo Fanaanku doorlaxaadleh ku lahaa Dhaqanka Fanka iyo Suugaanta Soomaalida.

Image may contain: 1 person, standing and suit

Geerida Alle Haw Naxariistee Fanaan Cumar Cabdule Shooli ayaa timid kadib markii Todobaadii u dabeeyey uu ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, isagoo Alle Haw naxariistee Eheleda Marxuum Fanaan Cumar shooli ay Maanta uun ahayd Markii aanu baahinay War Cabasho ay Dawlada Somalia ee muqdisho kagaga cabanayeen inaaney la daryeelin islamarkaana lala Tacaalin Banbaaninta xaalada Caafimaad ee Fanaan Cumar Shooli, 

Fanaan Cumar Shooli Ayaa Isaguna Maalmo uun ka hor Warbaahinta kasoo muuqday intii aanu ku cuslaan Xanuunku isagoo Dawlada Somalia iyo umada Somaaliyeedba ka codsaday inuu u baahnaa Dhakhar dibedeed iyo kaalmo Umada Muslimka ahi u fidiso.

Walo Saameynta Xanuunka Corona Virus ay Gabi ahaanba Xayirtay Duulimaadyadii iyo Safaraddii wadamada kale Loogu bixi jiray.

Alle haw Naxariisto Fanaan Cumar Cabdulle Shooli.

 

Gabiley News Networ

Muqdisho Somalia.