Kenya: Xildhibaanad Ku Baaqday In Coronavirus & Ragga-ba Laga Fogaado…KKKK

Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa isku mid mid ka dhigtay Raga dumarkooda dayaca, Saaxiibka xun iyo Coronavirus, waxana hadalkeedu uu noqday mid bulshada iyo baraha bulshada Kenya ku faafa saamayn xoogana yeeshay, dadkuna ay bilaabeen kaftan iyo run midkii ay tahayba in hadalkan ay soo qaataan.

“Iska ilaali meelaha buuq badan, sida qalbiga saaxiibkaaga xun iyo raga doqmaha ah,” ayay Xil. Millie Odhiambo ka hor tidhi baarlamaanka, iyada oo soo xiganeysa talooyinka caafimaad  ee muhiimka ah oo ay tiri dad badan waxa ay u haytaan inay tahay “kaftan”.

“Afka, indhaha iyo sanka, ka ilaasho 3-daas” ayay Xilibaandu intan raacisay, waxana ay ka daba gaysay “Waxa muhiim ah in aad 3-daas ilaashato marka aad joogto goobaha ay dadku ku kulmaan si aad uga fogaato in fayraska aad qaado.

Hadalkan ka soo yeedhay xildhibaanada ee baraha bulshada ku baahay ayaa loo dhigay sidan “Ka fogow ragga, waxaanad ka ilaashitaa afka, indhaha iyo sanka. ” iyo sidoo kale “Haddaad rabto in aad coronavirus iyo raga-ba ka fogaato ka ilaasho afka, indhaha iyo sanka. ”