Koox hubeysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland.

Koox hubeysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabay Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey), waxaana uu ahaa madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Farey ayaa isagoo salaadii maqrib weesaysanaya lagu dilay masjidka Hudda xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada iyo goobjoogeyaal.

“Marxuumka waxaa la bartilmaameedsaday isagoo weesaysanaya salaada marqib,” ayuu yiri qof goobjoog ahaa.

Sidda ay sheegeen mas’uuliyiin, dableyda geysatay dilka ayaa ka baxsatay meesha ay wax ka dhaceen, waxaana ku raadjooga ciidamadda ammaanka oo bilaabay howlgalo. Ciidamada ayaa waday xalay ilaa saaka howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay falkaas, balse aan weli miro-dhalin.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Marxuum Cismaan Faray.

Bilooyinkii lasoo dhaafay Gaalkacyo waxaa kusoo kordhay beegsiga mas’uuliyiinta iyo wax-garadka, iyaddoo xukuumadda Deni ay ku adkeysatay in ay xididaha u siibi doonto maleeyshiyaadka argagixisada ah, balse weli kuma aysan guuleysan