Madaxweyne Mustafe Iyo Dhamaan Xubnaha Guddida Fulinta Oo Looga Yeedhay Addis Ababa Iyo Ra’iisal Wasaaraha Oo Go’aan Ka Gaadhaya Khilaafka Culus Ee U Dhexeeya Masuuliyiinta DDS

Jigjiga(GNN):-Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, ku-xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee guddida fulinta ayaa looga yeedhay Magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku hor-fadhiisan doonaan Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo masuuliyiinta kale ee Dawladda Federaalka.

Madaxweyne Mustafe ayaa la sheegay in magaalada Addis Ababa maanta lagala soo hadlay, laguna wargeliyey in Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo uu iska soo xaadiriyo.

Sidaas oo kale, waxa lala hadlay xubnaha kale Guddida Fulinta oo uu ku jiro hoggaankii Nabadgelyada ee Khamiistii uu Madaxweynuhu xilka ka qaaday xabsigana u taxaabay.

Xubnaha Guddida Fulinta oo maalmihii ugu dambeeyey u kala fadhiyey laba dhinac markii uu soo dhex-galay khilaaf xooggan oo salka ku hayey talo-maroorsi iyo ku tumasho sharci oo Madaxweyne Mustafe uu ku kacay sida ay ku doodeen garabka kasoo horjeeda.

Warku wuxuu intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Guddida Fulinta qayb ka mid ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenku ay iskaga hor yimaaddeen go’aamadii uu xilka kaga qaaday masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa iyadoon la samaynin wax qiimayn ah oo aanay guddiduna ka fadhiisanin, isla markaana aanu mudnaanta siinaynin sidii looga hortegi lahaa xanuunka Coronavirus oo wacyigelintii ku fillayd iyo wixii kale ee muhiim u ahaa caawinta dadka haddii uu soo gaadho oo aanu samayntooda diyaar u ahayn.

Waxa kale oo Guddida fulintu ay sharci-jebin u arkeen Magacaabistii tirada badnayd ee uu maalmihii u dambeeyey sameeyey iyadoo aanu iyaga kala tashannin maadaama qaab xisbi lagu go’aamiyo arrimaha noocaas ah.

Sida ay Jigjiga Online u xaqiijiyeen ilo-wareerdo lagu kalsoon yahay, Madaxweynaha iyo xubnahan kale ayaa berri lagula ballansan yahay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee magaalada Addis Ababa, laakiin iluhu waxay xuseen in Mustafe ay fartu ku godan tahay oo ay u badan tahay in xilkiisa uu waayo.

Dhinaca kale, Shacabka Deegaanka Soomaalida ayaa wada is-abaabul ay kaga tashanayaan aayahooda, waxaana la sheegayaa inay jiraan shirar iyo mudaharaadyo Ra’iisal Wasaaraha iyo xukuumaddiisa lagaga dalbanayo in uu ka beddelo Madaxweyne Mustafe oo aanu dib ugu soo celinin.

Odayaal maanta ka hadlay magaalada Jigjiga ayaa waxay baaq u direen Dawladda Federaalka, waxaanay soo bandhigeen tacaddiyo tiro badan oo xukuumadda Mustafe ku kacday, kuwaas oo iskugu jira musuqmaasuq, ku-tumasho sharci iyo falal lid ku ah xuquuqda Insaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Masuuliyiinta ugu sarraysa Deegaanka Soomaalida ayaa maraya meel xun oo aan la ogeyn waxa uu ku dambayn doono, waxaana loo dheg taagayaa go’aamada uu qaadan doono Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo mar horeba uu xogta iyo cidda qaldan sii siiyey Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka, Axmed Shide oo la rumaysan yahay inuu kasoo horjeedo falalkii u dambeeyey ee Mustafe uu sameeyey iyo qaabka uu maamulka u wado intaba.

Source Jigjiga Online.