“Somaliland Ma Cunista Qaadka Ayey Joojisay Mise Ka Ganacsigiisa”.?
Hargeisa(GNN):-Maxkamada Gobolka maroodijeex ayaa maanta markii ugu horeysay la horgeeyey muwaadiniin lagu qabtay inay dalka soo galiyeen Qaad, kaas oo dhawaan ay gudida uu gudoomiyaha u yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Mudane C,raxmaan C,laahi Ismaaciil Saylici soosaareen Go’aan ah in dalka laga mabnuucay muddo dhan 25 cisho oo ku siman wakhtiga bisha ramadaan, taas oo sida ay sheegeen ujeedada loo joojiyey tahay shaki laga qabo maadaama oo dalalka jaarka la ah somaliland uu ku faafayo Xanuunka Covid 19 in laga hor tago oo uu qaadku noqon karo geed gudbin kara fayraska corona maadaama dalka itoobiya xanuunka laga helay.
Madaxweyne Ku xigeenka somaliland oo akhriyey qodobadaasi sheegayna inay isla qaateen dhammaanba qaadlayaashii keeni jiray qaadka dalka,waxaanu warqad ka akhriyey go’aan ay soosaareen gudida uu hormuudka u yahay ee ka hortaga xanuunka covid 19 kaas oo ay ugu horeysay in gabi ahaanba la joojiyey qaadkii dalka soo galayey mudo 25 cisho ah oo ka bilaabmaysay axadii ina soo dhaaftay, kuna eeg laba cisho ka hor maalinta ciida, intaa ka horeysayna ciidamada booliska somaliland amar ku haystaan in ay qabtaan cidii lagu qabto inay qaad dalka soo galinayso isagoo sidoo kale sheegay in lala wareegayo gaadiidka kala duwan ee lagu qabto qaadka, lana gubayo qaadka, halka qofka watana la horgeynayo sharciga,
Madaxweyne ku Xigeenka Jsl Ma uusan sheegin qodobada loo cuskanayo Xadhiga dadka lagu qabto qaadka iyo hantida lagala wareegayo midna, aan ka ahayn go’aanka uu afka ka akhriyey ee kasoo baxay gudida qaranka ee xanuunka covid 19.
Marka hadaba aynu u noqono dhinaca sharciga iyo Xeerarka qaranka somaliland u dajisan kuma jirto kumana cada qodobo sheegaya in qaadku yahay danbi lagu mutaysan karo xadhig dheer oo gaadha ilaa saddex sano iyo wax ka badan, mana jiro xeer kasoo baxay golaha sharci dajinta qaranka somaliland, ama digreeto madaxweyne weyne oo lagu mabnuucay keenista qaadka iyo ka ganacsiga intaba.
Taa bedelkeeda waxaa Mawliid Cabdi Muuse (Maax) oo kamida Xafiiska xeer ilaalinta qaranka somaliland ahna xeer ilaaliyaha gobolka maroodijeex maanta waraabinta u sheegay in maxkamada gobolka Maanta la horgeeyey eedaysanayaal lagu soo qabtay qaad inay dalka soo galinayeen, laguna xukumay 4 eedaysane xadhig dhan saddex sano iyo lix bilood iyo ganaax lacageed oo ah 3 milyan oo somaliland shilling ah,
Xeer ilaaliye Maax ma uu sheegin Xeerarka iyo Qodobada Xafiiska Xeer ilaalinta gobolka maroodijeex u cuskaday eedaysanayaashan ay maxkamada horgeeyeen, sidoo kale ma uu faahfaahin qodobada ay maxkamadu u martay xadhiga iyo ganaaxa lacageed ee lagu riday muwaadiniintan muwaadiniintan.
Sharci yaqaano kala duwan oo ay la xidhiidhay warbaahintu ayaa u xaqiijiyey in xeerka loo cuskaday muwaadiniintan qaadka soo galinayey dalka uu yahay xeerka mukhaadaraadka xeer L/R.21/2002 Xeerkan oo ah xeerka maandooriyaha oo lagu xukumo dadka lagu qabto inay ka ganacsanayeen ama siteen mukhaadaraadka maanka dooriya sida khamriga, xashiishada iyo daroogo kasta oo qofka maankiisa iyo maskaxdiisa bedesha kuma jiro lagumana sheegin inuu qaadku ka mid yahay.
Sidoo kale Xeerkan ayaa waxa ku cad in qofka lagu qabto gaadhigiisa noocyada maandooriyeyaashaasi lagu ganaaxayo ganaax dhan 5% qiimaha gaadiidka, marka labaad ee lagu qabtana lagu ganaaxayo 10% qiimaha gaadiidka, halka marka saddexaad ee lagu qabto ay dawladu la wareegayso Gaadiidkaasi.
Halkan Ka Akhri Xeerka Mukhaadaraadka Dalka Jsl.
Gafafka Sharci ee ka muuqda iswaafajinta xeerarka dalka u yaala iyo xukunka iyo ganaaxa lagu riday muwaadiniintan ayaa ah kuwo ka hor imanaya xeerarka kasoo baxay Golaha Sharci darinta qaranka somaliland.
Iyadoo aaney jirin Habayaraate Wax daliil cad ah oo sharciga waafaqsan oo ay faahfaahiyeen laaamaha garsoorka iyo Xafiiska xeer ilaalinta qaranku oo loo maray xukunka muwaadiniintan.
Sidoo kale haddiib ay sharci tahay xeerka Mukhaadaraadka ee X.LR. 21/2002 oo ah xeer dhaqan galay wakhti hore maxaa bulshada somaliland inta cunta iyo inta ka ganacsata qaadka loogu qaadi waayey oo hore loogu xidhi waayey, mase ka dhigi karaan qodobada ay soosaareen gudida ka hortaga xanuunka corona virus ee ka dhanka ah qaadku kuwo loo cuskado Xukunka muwaadiniinta iyo in Xukuumadu Kala Wareegto hantidoodii.
Dhinaca Falalka sharciga baalmarsan ee laga dhaxlay qaadka la joojiyey ayaa kamid in ciidamda booliska somaliland ee ku sugan xuduuda u dhaxaysa iyo wajaale ay gaadiidka kala duwan ee kasoo baxaya ku baadhayaan koonaha soke ee magaalda wajaale, iyoo iskadaa gaadhi sida qaad qof sita ee soo qaatay intii yareyd ee uu cunayey ay kula kacayaan cago jugleyn iyo gacan qaad khasabna ay kagaga qaadayaan muwaadiniinta aan ka ganacsaneyn balse lafahooda usoo iibsaday wixii yaraa ee ay cuni lahaayeen,
Gudida uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka somaliland ee soosaartay qodobadan lagu joojinayo qaadku meel kuma sheegin in la joojiyey cunista qaadka balse waxay bulshada u cadeeyeen in la mabnuucay ka ganacsiga iyo soo galinta qaadka dalka, waxaana taa bedelkeeda shacabka somaliland dhibaato weyn iyo tacdi aaan loo meel dayin kala kulmeen ciidamada booliska oo iyagu shaqo ka dhigtay wax kale iska daaye inay qofka afkiisa yidhaahdaan soosaar carabka si laguu eego inaad qaad cuntay iyo in kale.
Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network