Madaxdhameedka Gobolka Gabiley Oo Si Adag Horyimid Joojinta Qaadka, Sheegayna In Qorshahaasi Yahay Inqilaab Ku Socda Madaxwayne Biixi.

“Waxaan Leenahay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Inqilaab Ayaa Kugu Socda E,Qaad Kaama Joogsane Ee Jaadka Wadadiisii Kusoo Celi”Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan,
Gabiley(GNN):-Madax-dhaqameedka iyo cuqaasha gobolka Gabiley ayaa si adag uga horyimid talaabada xukuumada Somaliland ku joojisay qaadka oo ay sheegeen in aan waxba la joojin qaadkiina uu kootaro baan kusoo galayo dalka balse la lumiyay kala danbayntii iyo cashuurtii xukuumada kasoo galaysay Qaadka.

Waxgaradkan ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay  in talaabadaasi deg deg uga noqdo oo ay ku tilmaameen inqilaab madaxwaynaha loo dhigay oo lagu qasbay iyadoo ka digay in ciidankii Somaliland kaga baaba,ayo talaabadan qaadka lagu joojiyay oo ay sheegeen in ay tahay tii uu eeday taliskii siyaad bare ee xoojisay jabhadii xoraynta Somaliland ee SNM.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN.

https://youtu.be/-xKcnkLkz5U