Qalalaasaha Qoyska ee Uu Sababay Xanuunka Covid 19, Joogista Guriga Haweenka iyo Ragga.Tirada Hooyo Ninkeedu Dilay.

Nairobi(GNN):-Calanka ayaa hoos loo dhigay muddo sadadex maalmood ah magaalada Almassora ee dalka Spain taasi oo loogu baroor-diiqayay geeridii Carina.

Haddii ay xaaladdu caadi ahaan lahayd bulshada ku dhaqan magaaladan ayaa iyaga oo aamusan isu soo bixi lahaa si ay u xasuustaan haweeneydan 35-ka ah.

Balse dadka oo ku xanniban gruyahooda cudurka coronavirus awgii ayaa waxa ay baroor-diiq u sameeyeen gabadhan.

Gambaleellada iyo qalab kale ayaa isla dhawaaqay iyadoo shacabka magaalada ay ka qaaylinayeen dariishadaha guriyaha ay ku jiraan.

Gabadhan lagu magacaabo Carina ayaa la dilay iyada oo ay eegayaan laba caruur ah oo ay dhashay.

Seygeeda oo lagu magacaabo José ayaa qirtay dilka Carina.

Almassora
Calamada oo hoos loo dhigay Almassora

Guud ahaan dalalka lagu so rogay xannibaadaha islamarkana dadka aysan ka bixi Karin guriyahooda ayaa sare u qaaday qeylo dhaanta ku saabsan khataraha dumarka ka soo wajaha raga qaba ee tacadiyada kula kaca.

Caruurta oo iyaguna guriyaha jooga maadama iskuullada la xiray ayaa imika halis ugu jira in dhibaato dhanka maskaxda ay soo gaarto.

Carina ayaa noqotay haweeneydii 17 ee uu dilo seygeeda ama rag ay horey saaxib u ahaan jireen sanadkan gudihiisa dalka Spain.

Waxa ay sidoo kale noqonaysaa haweeneydii ugu horreysay ee intii xannibaadaha Covid-19 la soo rogay uu ninkeeda dilo.

Almassora
Calamada oo hoos loo dhigay Almassora

Wax ka yar bil tan iyo intii dalalka Yurub lagu soo rogay xannibaadaha ayaa la dareemay saameynta tacaddiyada lagula kaco dumarka, sida ku cad warbixinada la soo saarayo.

Dumarka ayaa gudaha guriyaha waxay ka baqaan ragga, halka dibadda ay ka baqayaan Feyriska Corona.

Walwalka ku furan ragga tacadiyada geysta ayaa ka dhigay kuwa aan daganayn islamarkana kali ahaanshiyaha ay siinayso dareen ah in aan lagula xisaabtameyn ficilladooda.

“Isla waqtigaas waan ogaa in ay wanaagsan tahay in la joojiyo cudurka Covid-19, waxaan sidoo kale ogaa in aysan u wanaagsanayn dumarka iyo caruurtooda rabshadaha kala kulma guriyahooda,” waxaa sidaasi BBC u sheegay madaxa mac’hadka Canary Islands Institute for Equality.

Taliyaaniga, sida Spain oo kale, cudurka Corona waxaa uu u saameeyay si ba’an.

In ka badan 100 dhakhtar ayaa naftooda ku waayay dalka Taliyaaniga iyaga oo daweynaya bukaanadii uu cudurka ku dhacay.

Lorena Quaranta, oo ay da’deedu tahay 27, ayaa qarka u saarnayd inay dhakhtar noqoto markii ay dhimanaysay 30-kii March.

Balse uma aysan dhiman cudurka Covid-19, ee waxaa dilay wiil ay saaxibo ahaayeen oo lagu magacaabo Antonio oo isagu booliiska u sheegay in uu dilay.

Lorena Quaranta oo uu saaxibkeed dilayLorena Quaranta oo uu saaxibkeed dilay

Markii naxashkii ay ku jirtay la keenay magaaladii ay ku dhalatay ee Favara ee gobolka Sicily, ayaa waxay dadka dariishadahooda ka ruxayeen maryo cad-cad, iyaga oo aan so dagi karin maadaama uu cudurka jiro.

Waxay arrintani micnaheedu ahayd sida uu sheegay duqa magaaladasi Anna Alba, “waxyaabihii ay gabadhani niyadda ka jecleyd iyo dharka ay dhakhaatiirta xirato o ay mar uun ku haminaysay inay xirato”.

Short presentational grey line

Sare u kaca tacadiyada xilligan xannibaadaha

Fransiiska markii hore waxay sheegeen in ay hoos u dhacday tirada soo waceysa booliiska ee dalbanaysa in la caawiyo.

Balse muddo toddobaad gudihiis ah dowladda waxay sheegtay in booliiska ay soo warinayaan in tacaddiyada ka dhaca guriyaha ay sare u kaceen saddex meelood hal meel iyo xitaa ka sii badan, magaalada Paris.

Waxaa dalkaasi Faransiiska loo sameeyay lambar ay dadka tacadiyada lagula kaco ee iyagu dhagaha la’a islamarkana waxaa maalinkii lambarkaasi ku soo dhaca 170 fariin oo cabasho ah.

.OLESYA VOLKOVA

Dalka Spain, adeegyada loogu talagalay haweenka lagula kaco tacadiyada ayaa loo arkaa in ay muhim yihiin islamarkana waxay dowladda ballanqaaday in ay si joogta ah u shaqeyn doonaan.

Labadii toddobaad ee ugu horreyay ayaa waxaa soo wacay 18% marka loo barbardhigo bilooyiinkii ka horreeyay.

Dalka faransiiska waxaa sidoo kale jira Emailo si qarsoodi ah lo soo dirayo kuwaasi oo lagu dalbanayo caawin.

Xiriirrada dhanka Emailka ayaa gaaray toddobaadyadii ugu dambeeyay 286% .

Short presentational grey line

Gafuur xir lagu bad-baadinayo haweenka

Dalka Spain jasiiradda Canary Islands, ayaa mac’hadka sinaanta ee Institute for Equality waxay xariga ka jareen ol’ole lagu magacaabay Mascarilla-19 (Mask-19), kaasi oo lagu muujinayo in haddii dumarka ay tacadiyo kala kulmaan guriga ay ka soo baxsan karaan oo ay guriga ka soo bixi karaan.

Gafuur xirka Mask-19
Image captionGafuur xirka Mask-19

Farmashiyada ayaa ka mid ah goobaha fara ku tiriska ah ee ay si xor ah dadka u booqanayaan.

“Marka dumarka ay guriyaha kala kulmaan xadgudubyo ama tacaddiyo dhanka jinsiga ah waxay aadi karaan farmashiyaha ugu dhaw waxa ayna ka codsan karaan Mask-19 – oo ah gafuur xir badbaadin kara,” ayay tiri Kika Fumero, oo iyadu fikirkan la timid.

Shaqaalaha farmashiyada ayaa ka dib qoraya magaca haweeneyda iyo cinwaankeeda ka dibna wacaya waaxda gargaarka deg-dega ah.

Haweeney jirta 78-sano oo uu ku dilay seygeeda magaalada Gran Canaria ayaa noqotay qofkii labaad ee la dilo intii xannibaadaha la soo rogay.

Maxay tahay sababta dumarka ay xannibaaddu lugta uga xirtay?

Virginia Gil, oo maamusha hay’ad ka howlgasha magaalada Madrid, ayaa ka cabsi qabta in ay korodho tirada dumarka lagula kaco tacadiyada xilliga lagu guda jiro xannibaadaha.

Ms Gil ayaa ka cabsi qabta in ragga geysta tacaddiyada aan la geynin xabsiyada iyada oo laga cabsi qabo faafidda cudurka Corona.

Waxaa ay intaa ku dartay in cudurka Corona uu curyaamiyay maxkamadihi dalka ka jiray.

.Lahaanshaha sawirkaOLESYA VOLKOVA
Image captionSawirka Olesya Volkova

Sababta in guriga la joogo aysan mar walba u ahayn badqabka

Khatarta Feyriska corona ayaa mararka qaar si toos ah caqabad ugu ah inay dadka helaan caawin, sida ay sheegtay Marceline Naudi, oo ah madaxa golaha Yurub ee khubarada ka hortaga tacaddiyada Jinsiga.

Mararka qaar, waxay la micno tahay in dumarka tacaddiyada lagula kaco ay go’aansadaan in aysan gargaar caafimaad raadsan iyaga oo ka cabsi qab in cudurka Corona uu haleelo, balse waxaa jira goobo kale oo kaalmo loo raadsado.

“Goobaha lagu daryeelo dadka ku waxyeellooba tacaddiyada ka dhaca guryaha ayaa joojiyay in ay dadka aqbalaan, sababtoo ah waxa aysan hubin qaabka loo maareeyo Feyriska Corona,” ayay tiri.

Waxa ay sidoo kale ka cabsi qabtaa in dumarka qaar oo dhaqaala ahaan ku tiirsan ragga ay adagtahay in ay ka tagaan guriyahooda.

BBC source