Somaliland: Nuxurka Go’aamo Miisaan Culus oo saareen Guddiga Ka-hortagga Cudurka Covid-19.

Hargeisa(GNN):-Guddida Qaran Ee U-diyaar-garowga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus ee Somaliland, ayaa maanta soo saaray go’aamo hor leh oo lagaga hortagayo fiditaanka Cudurka Covid-19, waxaana go’aamada ka mid ah in gebi ahaanba la xidho Masaajiddada oo aan laysugu iman karin muddo 4 todobaad ah.

Go’aamada Guddigu soo saartay ee saamaynta ku yeeshay Goobaha cibaadada, ayaa ku soo beegmay xilli maanta wasaaradda Caafimaadku shaacisay in Saddex qof oo cusub laga helay cudurka Covid-19, halka laba qof oo kale oo laga shakisan yahay natiijada baadhitaankooda caafimaad la sugayo.

Kulan ay maanta isugu yimaaddeen guddiga heer Qaran, ayaa laga soo saaray go’aamo 10 Qodob ka kooban, kuwaas oo ay ku jiraan in muddo 4 todobaad ah lagu kordhiyey Fasaxa  goobaha Waxbarashada.

War-saxaafadeed ay guddigu soo saartay oo lagu shaaciyey go’aamadan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

“Guddida heer Qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka COVID-19 oo uu shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeen Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddida, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi lsmaaciil (Seylici) shir ay maanta isugu yimaadeen waxay ka hadleen khatarta xanuunka COVID-19 oo kordhaysa iyada oo 3 qof oo cusub laga helay xanuunka.

Gabagabadii shirka waxay guddidu isla garatay in loo baahan yahay in la qaado talaaabooyin wax ku ool ah oo lagu xakamaynayo faafidda xanuunka COVID-19 ee bulshada dhexdeeda, waxayna soo saareen qodobadan hoos ku xusan:

  1. Guddidu markay deristay qodobka 6aad ee qoraalka talo soo jeedinta ah ee Culimada Somaliland ay soo saareen 4th April, 2020 kuna aadanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidan “In Shareecadeenna suubban av u bannaysay ummadda in Jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo haddii la helo lana xagiijiyo daruufo adag, sida xanuunada faafa iwm” iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aadan xanuunaka COVID-19, waxay Guddidu bulshada Somaliland farayaan in ay Masaajiddada ka maqnaadaan muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15th April, 2020 ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda xanuunka COVID-19. Muadiniinta Masoajidada waxa Ia farayaa in ay Eedaanka solaadaha ku daraan guryihiinna ku tukada (Salluu fii Rixaalikum).
  2. Waxa muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15th April 2020 lagu daray wakhtiga ay sii xidhnaan doonaan dhammaan goobaha waxbarashada dalka.
  3. Waxa xidhnaan doona xadka dhulka ee Somaliland ay Ia leedahay dalalka ITOOBIYA, DJIBOUTI iyo SOOMAALIYA inta khatarta xanuunka COVID-19 ay iska bedalayso, waxaana ka soo gudbi kara waxyaabaha daruuriga ah sida raashinka, shidaalka, daawooyinka, agabyada caafimaadka iyo badeecadaha ganacsiga ee kala duwan.
  4. Dhammaan marsooyinka Somaliland way xidhnaanayaan marka laga reebo DEKADDA BERBERA oo ay ka soo degi karaan waxyaabaha daruuriga ah sida Raashinka, shidaalka, daawooyinka, agabyada caafimaadka iyo badeecadaha ganacsiga ee kala duwan.
  5. Waxa la tarayaa mulklilayaasaha lyo wadayaasha basaska dadweynuhu adeegsadaan ee ka shaqeeya magaaloayinka waaweyn dhexdooda In ay dhimaan kala badh (50%) rakaabkii ay qaadi jireen laga bilaabo 15 April 2020, Inta laga xaqiijinayo In xanuunka COVOD-19 dalka uu ka baxay. Qaabka basasku ay dadka u qaadayaana waxa ay noqonaysaa sidan:
  • Baska 30 qof qaada waxa loo ogol yahay lnuu qaada 15 qof
  • Baska 15 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 7 qof
  1. Laga bilaabo 15 April 2020 gadiidka yaryar ee magaalaoyinka dhexdooda ka shaqeeya waxa loo ogol yahay inay qaadi karaan rakaabka loo qoondeeyey oo ah sidan hoos ku xusan:
  • VITZ-ta 1 qof oo rakaab ah
  • Probox 2qof oo rakaab ah
  • Bajaajta 1qof oo rakaab ah
  1. Laga bilaabo 15 April 2020 dhammaan basaska qaada rakaabka ee u kala safra gobolada dalka waxa la farayaa In ay dhimaan kala badh (50%) rakaabkii ay qaadi jireen Inta laga xaqiinayo In xanuunka COVOD-19 dalka ka baxay. Qaabka basasku ay dadka u qaadayaanna waxa ay noqonaysaa sidan:
  • Baska 60 qof qaada waxa loo ogol yahay Inuu qaado 30 qof
  • Baska 30 qof qaada waxa loo ogol yahay lnuu qaado 15 qof
  • Baska 15 Qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 7 qof
  1. Isbedelka qiimaha gaadiidka ee iman kara waxa Isla goynaya maamulada gobolada Iyo degmoovinka Iyo Ish-kaashatooyinka iyo mulkiilayaasha gaadiidka dadwaynaha si dhakhso ah.
  2. Dhammaan dadka ajaanibka ah ee aan lahayn sharci ay dalka ku joogaan waxa lagu war-gelinayaa In ay dalka kaga baxaan muddo 5 cisho gudahood ah Oo ka bilaabmaysa 15 April 2020.
  3. Waxa lagu war-gelinayaa Bukshada reer Somaliland in ciddii u hogaansami weyda dhammaan go’aamada ka soo baxay Guddlda heer Qaran ee U-diyaar-garowga iyo Ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 ay mutaysan doonto ganaax Iyo xadhig.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ay guddigu soo saareen maanta.