Tallaabooyinka Coronavirus iyo deegaanada Soomaalida

Waxaa deegaannada ka socda tallaabooyinka looga hortaggayo cudurka Covid-19.

Soomaaliya: Waxay ku dhawaaqday banddow habeenkii ah kaas oo bilaabanayo caawa, waxaana la xiray dusgiyada Qur’aanka, iskuulada iyo duulimaadyada si looga hortaggo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Maamulka Puntland wuxuu banddow kuso rogay magaalooyinka qaar.

Soomaaliya waxay xaqiijisay ilaa 60 kiis oo cudurka Coronavirus ah.

Somaliland:Waxay shaaca ka qaaday in la xiro masaajidda kaddib markii ay soo kordheen kiisaska Coronavirus, Somaliland haatan waxay xaqiijisay 5 kiis.

.

Dad gaaraya 407 ayaa laga baaray cudurka coronavirus, 65 ka mid ah ayaa laga helay oo ah kiisas hor leh, tirada guud ee kiisaska dalka ayaa gaaray 363, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Jabuuti.

Tirada dadka u dhintay cudurkan ayaa gaaray 2 qof.

Dadka uu cudurkan saameeyay waxa ka mid ah dhakhaatir ka badan 30.

Waqooyi Bari Kenya: Deegaanada qaar waxay ku dhawaaqeen xayiraado dhanka safarka ah, Madheera waxaa laga helay 6 qof oo uu ku dhacay cudurka Covid-19.

Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya: Waxaa ka socdaa dhaqdhaqaaqyo lagu wacyigelinayo shacabka si u raacaan talooyinka caafimaad, Dowladda Itoobiya waxay xirtay xudduudaha dalkaas si looga hortaggo Covid-19.