Walaac ka dhashay kumanaan qof oo Itoobiyaan ah oo laga soo tarxiilayo Sucuudiga

Kumanaan muhaajiriin Itoobiyaan ah oo sharci la’aan ah ayaa laga masaafurinaya Sucuudi Carabiya iyada oo lagu gudajiro dedaallo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka dilaaga ah ee coronavirus.

Soogalootiga Itoobiyaanka ah ee ka shaqeeya Sacuudi Carabiya iyagoon haysan rukhsadda loo baahan yahay, ayaa musaafurintoodu markasta ahayd mid suuragal ah.

Tan iyo markii dowladda Sucuudiga ay biloowday soo afjaridda waxa ay ugu yeedhaan: “soo galooti sharci-darro ah”, kumanaan kun ayaa si joogto ah dib loogu celiyaa dalalkoodii.

Kaddib labo todobaad oo ay hakad ku jireen, dedaallada Sacuudiga ee dib loogu soo celinayo tahriibayaasha Itoobiya ayaa dib loo bilaabay.

In ka badan 2,000 oo muhaajiriin ah ayaa yimid magaalada Addis Ababa bilowgii Abriil iyada oo in ka badan la filayay toddobaadyada soo socda.

Dadka soo laabanaya – sida safarada kale ee caadiga ah – waxaa la filayaa inay 14 maalmood ku qaataan karantiil khasab ah, oo dawladdu soo rogtay, mana cada sida ay u qalabeysan yihiin xarumaha go’doominta ee Itoobiya ay ugu talogashay dadkaasi soo noqonaya.

Muhaajiriinta ayaa hadda ku sugan iskuulada ay diyaariyeen masuuliyiinta dalkaasi, iyagoo ah xarumo gooni ah.

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in dhaqdhaqaaqyada socdaalka ee tirada badan ay sii kordhin karaan faafitaanka fayraska.