Waraaqo lacag ah uu magaca Trump ku qoran yahay oo markii ugu horreysay la daabaci doono

Qorshe qayb ka ah falcelinta Maraykanka ee Feyraska Corona ayaa ah, toban milyan oo Ameerikaan in loogu talagalay inay helaan lacag gaadhaysa $1,700 doolar, waxaana lacagtani heleyaa qof kasta oo kamid ah 70-ka malyan.

Waxay arrintani ka dambeysay marrkii 16 malyan oo qof oo u dhashay dalkaas ay soo wajahday shaqo la’aan bishii lasoo dhaafay.

Laakiin se sida ay tabinayso warbaahinta Maraykanka, madaxweyne Donald Trump ayaa magaciisa lagu daabaci doonaa, mid kasta oo ka mid lacagtaas.

Wargeyska Washington Post, oo ahaa kii ugu horreeyey ee tabiyey warkaas salaasadii, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee jeeg lacageed uu ka muuqan doono magaca madaxweyne Maraykan ah.

Wargeysku wuxuu sheegay in go’aankaasi uu macnihiisu yahay dib u dhac ku yimaada maalmo yar ka hor inta dadku aysan qaadan jeegagga, in kasta oo sarkaal sare oo la hadlay CNN uu beeniyay arrintaas.

Dadka dhaliila ayaa ku eedeeyey in arrintani ay tahay siyaasad uu madaxweynuhu ciyaarayo, si uu kor ugu qaado sumcaddiisa ku aaddan sannadkan doorasho.