Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Technologyada Jsl Oo Soo Kordhisay Nidaam Cusub oo Masuuliyiinta Dawlada Ku Wada Xidhiidhayaan.

Hargeisa(GNN):-Wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland ayaa Soo bandhigay nidaam Casriya oo Ay ugu Talo gashay in Qaab Maqal iyo Muuqaal ah ay ku Wada xidhiidhayaan Masuuliyiinta Dawladu.

Waxaaana Talaabadan Wasaarada Isgaadhsiintu Kusoo kordhsay Dawlada qayb ka qaadanaysaa in Qaab cusub oo Online ay u Wada Shaqeyn karaan dhamaanba laamaha kala duwan ee dawladu, Taas oo faa’iido weyn ka noqonaysa Ka hortagii iyo Xakameyntii Xanuunkan Dunida Khatarta galiyey ee Covid 19, iyadoo masuul kasta oo Shaqo qaranka u hayaa isagoo ku sugan xafiiskiisa uu shaqada kula wadaagi karo masuuliyiinta kale ee dawlada.

Halkan hoose Ka Daawo Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Mudane C.wali Sheekh Suufi Jibriil oo Faahfaahin Dheer Ka Bixiyey Adeegan Cusub.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network