Saraakiisha sirdoonka Israel ayaa Jimcihii gurigiisa oo ku yaalla Bariga Qudus ka xiray imaamka weyn ee Masjidka Al-Aqsa, Sheikh Ekrima Sabri.
“Cutub ka mid ah sirdoonka Israel ayaa weeraray guriga Sheikh Ekrima, waxayna ku wargeliyeen inuu xiran yahay,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Anadolu Agency u sheegay qof ka mid ah qoyska Imaamka, waxuuna intaas ku daray in imaamka loo kaxeeyey saldhigga booliska al-Qashla ee Galbeedka Qudus, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayey.
Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Yahuudda u xireen Sheikh Ekrima.
Bishii Janaayo, mas’uuliyiinta Israel ayaa go’aansaday in Sheikh Ekrima ka mamnuucaan inuu galo Masjidka Al-Aqsa, muddo afar bilood ah.
Israel ayaa qabsatay Bariga Qudus, oo Masjidka Al-Aqsa uu ku yaalla, intii lagu guda jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.
Wixii markaas ka dambeeyey, Masjidka ayaa mar walba ahaa mid Israel ay sida ay doonto ay ka yeesho, ayada oo xirta xilliga ay doonto, kana mamnuucda ciddii ay doonto.