Iska hor Imaad Laba Ciidan Oo Sababay Dhimashada Qaar Kamida Askartaasi iyo Dhaawacyo Tiro Badan.

Muqdisho(GNN):-Iska horimaad ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada amniga ayaa maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka, oo dhex maray ciidamada booliska iyo kuwa maamulka degmada Dayniile, ayaa salka ku haya muran dhuleed, wuxuuna ka dhacay dhul goofaf ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish, ayaa tegay goobta ay ku dagaalameen ciidamada ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, si loogu kuurgalo waxa sababay dagaalka.

Halkan Ka Dhegayso War Ku Saabsan Arrintaasi.