Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo saartay qorshe boqcado shidaal laga halay oo ku yaal badda Soomaaliya ay ugu soo bandhigayso maalgashadeyaasha dunida 4 bisha August ee sannadkan.
Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay in talaabadani ay tahay uun shaacin ee marka la helo cid danaynaysa inay maal gashato oo shidaalkaa soo saarto la bilaabi doono wadaxaajoodka maalgashigaas.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed, oo BBC u waramay ayaa sheegay in waxyaabo badan oo la xiriira soo saaridda Shidaalka Soomaaliya horey looga soo baaraan-dagay .
” Qorshahani waa qorsha daba socda labo sheey inaan soo dhameystirnay sharcigii Batroolka ee waddan Soomaaliya lagu dhaqi lahaa iyo baaritaankii lagu sameeyay badda Soomaaliya labo jeer, ” ayuu yiri Eng Cabdirashiid.
Waxaa uu intaa ku daray in imika ay la marayo marxaladii caalamka loo soo bandhigi lahaa in Soomaliya ay diyaar u tahay maalgashiga dhanka Shidaalka.
“Waxaan go’aansanay inaan soo bandhigno xirmooyiin ka mid ah xirmooyiinkii hore loo baaray si aan u muujinno in soomaaliya ciddii maalgashanaysa aan diyaar u nahay ayuu yiri,” wasiirka Batroolka.