Dilkii George Floyd: Dibadbaxayaal burburiyay astaan caan ah oo ku taalay UK

Astaanta ganacsadihii kala iibin jiray dadkii la adoonsan jiray ayaa lagu burburiyay magaalada Bristol, xilli ay mudaharaadyada ka socda dalka UK ay galeen maalintii labaad.

Dibadbaxayaasha ayaa burburiyay astaanta Edward Colston, oo ahaa ganacsado ku caanbaxay iibinta dadkii la adoonsan jiray qarnigii 17-aad.

Colston wuxuu xubin ka ahaa shirkadda Royal African, taas oo ku dhawaad 80,000 oo Afrikaan ah gaysay Maraykanka.

Colston oo dhintay 1721-kii ayaa la sheegay inuu hantidiisii ku bixiyay sadaqo, waxaana ilaa hadda taaraakhdiisa lagu arkayay jidadka iyo dhismayaasha magaaada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Galabnimadii Axadda, booliska magaalada London ayaa soo saaray amar ah inay dibadbaxayaasha baneeyaan agagaarka Westminster ee bartamaha magaalada London.

Exit mobile version