Shirkii Jabuuti iyo Fariintii Sahra Axmed Cabdilaahi Axmed (Sahra Ileys) . Waxa soo Diyaariyay :Bahda Mareegta Farshaxan Juune 26, 2020

Bishiii Juun 14dii ee gu’gan 2020kii ayaa waxaa shir garnaqsi ahi ka dhacey magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti. Waxaa goobjooge ka ahaa xubno   maamuus iyo mudnaanba ku leh dalalkooga iyo aduunkaba sida ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abby Axmed, daljiraha Mareykanka ee Soomaaliya iyo Soomaaliland  Yomamata, Gudoomiyaha ururka Igad,Xubno ka socdey  EU, inmartigaliyaha madxweyne Ismaaciil Cumar Geele, iwm.

Madashaa garnaqsi waxaa gogol loogu dhigey labadii dal ee gu’gii 1960kii ku midoobey inay hormood u noqdaan mideynta shanta Soomaaliyeed.  Labadaa dal waxay kala ahaayeen dalka Soomaaliland iyo dalka Soomaaliya. Labadan dal waxay xornimadooda ka qaateen labadii gumeysi ee reer Yurub ee Ingiriis iyo Talyaani.  Dalka Soomaaliland  oo hormood ka ahaa midnimadaa ayaa wuxuu ku guuleystay inuu gobanimdiisa u dabaal dego bishii Juun 26dii ee gu’gii 1960kii.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa khudbadaa ku sheegay  taariikhdaa gobanimo ee Soomaaliland. Sido kale ayey maanso codeed ay qaadey marwo Sahra Ileys oo  la odhan karo ka hadahsye isla sooyaalkaa. Waxaaney Sahra Ileys waliba ku sii ladhey in Soomaaliland gobanimadaa u boqno goysay helitaanka shanta Soomaaliyeed, eeaney ujeedadu aheyn la midow Soomaaliya. Waxay Sahra Ileys oo cod  dheer ,dhaguhuna ku raaxeysanayaan ku soo gudbineysa ayey tidhi :

Lixdankii gu’yee             galbadaan hortood

Goolkaan dhashiyo          shantaan goob lahaa

Geediga u rarey              iga galangalcoow

Goortaa adigu                 waad gama’ saneyd

Anna garashadey             gadaal ula noqdoo

Godkuu bahal ku jiro         waan garanayaa

Gu’gan 1960kii oo loo yaqaaney gu’gii Qaarada Afrika ee gobanimada. Xilligaa wuxuu dalkaa Soomaaliland noqdey  dalkii afraad ee  u dabaaldega gobanimo buuxda sida ku xusan shaxda hoose.

Dalka

Taariikhda Xoriyada

Faalo

1

Kamaruun

 I Janaayo ,1960

Inkastooy la midoobey dhinicii Ingiriiska 1961

2

 Toogo

 Abril 4 ,1960

3

 Maali Federation

Juun 20, 1960

una kala baxdey  Maali iyo Senegal

bishii Oogosto isla gu’gaa)

4

 a) Jamhuuriyada Soomaaliland

 Juun 26 , 1960

Dalkii Afraad

 b) Madagaskar

 Juun 26 ,1960

5

 Jamhuuriyada Soomaaliya

 Luulyo 1, 1960

Dalkii Shanaad

6

Daahoomey

Oogosto 1  , 1960

oo la baxdey Biniin 1957

7

 Naayjer

 Oogosto 3, 1960

8

Upper Volta

Oogosto 5, 1960

La baxdey  Burkiino Faaso gu’gii 1984.

9

Ivory Coast

Oogosto 7, 1960

10

 Jaadh

Oogosto 11, 1960

11

Jamhuuriyada Afrikada Dhexe

Oogosto 13, 1960

12

Jamhuuriyada Koongo (Baraasafiil)

Oogosto 15, 1960

13

Gaaboon

Oogosto 17, 1960

14

Muriitaaniya

Noovenber 28, 1960

Heshiisyadii lagu gaadhey  googtaa goarnaqsiga aheyd ayaa aad looga Hadley qodob loogu yeedhay isdhex gal.Waxaa xaqiiqo la taaban karo ah in  iminkaba ummada Soomaaliyeed ee labada  dal ku kala nool aaney jirin wax colaad ah oo dhexeysa ayna isku kala gooshaan. Waxaa kaliya ee labadaa dal isku hayaan waa siyaasada ay reer Soomaaliya iska indho-tirayaan.  Waa labad dal oo sida wadamo kale oo Afrikaan ahaaba isku biirey, sidaana dan moodayey markaaa, hase yeeshee ay noqon weyday sida au ugu caano badiso Soomaaliland.  Sidaad arteed ayey Soomaaliland dib ula soo nqootey gabinomadeedii bishii May 18, 1991.   Halyeyadda codka toolmoon ee Sahra Ileys ayaa  mar labaad  digniin iyo   dardaaran  ugu ladhey reer Soomaaliya.

Gudcur lama gu’doo              Gawaan lama raftee

Uur kaa go’oo                          kaa goostey baad

Istidhaa gannoo                     ma go’doomisaa

Maanad garan sida                 aad wax u goobeysee

Gardaradu marbey                  goblan kaa dhigtaa

Ood goor danbuud                 garataa fidmada

Markii shirkii guul ugu soo dhamaadey reer Soomaaliland ayaa gunuunuc iyo gujo ay dayn waayeen reer Soomaaliya. Sahra Ileys ood moodo iney sii ogeyd  falcelinta ay shirkaa kala imanayaan reer Soomaaliya ayaa si aan gabasho laheyn  is tidhaa bal si sooyalka raacsan, dhinacna ka ah wax u sheeg u gaadhsii reerr Soomaaliya  weedho toos ah oon gabasho alheyn Waxaaney marwo  Sahra Ileys tidhi iyadoo maansadaana uga dhigtey dhextaal:

Gunna lama noqdee               sidaan kuugu gurey

Garanweydayee                      adaa gees maree

Waan kaa gurtee                  gol qaniinkiyo

Iga daa gujada

Sidoo kale ayey Marwo Sahra Ileys   tilmaan toosan mar kale siisey  xubno kooban oo ka mid ah reer Soomaaliland oo had iyo jeer lab la kac  la yimaada,  dhaguhuna yara xauunaan markey dhawaaq aan toosneyn ka maqlaan reer Soomaaliya. Marwo Sahra  Ileys oo la hadleysa una  niyad dajineysa kuwaa iska xagal daaca ayaa  maanso codeysan ku tidhi:

Boqolsoonadii iyo odayadii Boqrani

Badhaadhaha Xoriyada

Calankeena bilan          Burco kaga dhawaaqeen

Waxay baafisiiyo          Waxay baalmartiiyo

Waa go’aan Bulsho    Ha u baqan  Soomaalilaandeey

Ha u baqan dadkeygoow   Waligiin ha u baqan

Codkii baxsanaa ee Sahra Ileys

Afeef:

(Maansada Goosasho  ayey Sahra Ileys  qaadey shirka ka hor, hase yeeshee waxaad moodaa  markaad eegto fariinta ay xambaarsan tahay inay hordhac u aheyd khudbadii shirka Jabuuti ee madaxweyne Muuse Biixi akhriyey……)

Fu’aad Sheekh

Bahda Mareegaha Farshaxan

Farshaxan.com iyo Farshaxan.org