Deegaanka Ambo Oo uu Ka Soo Jeeday Fanaanka Lagu Dilay Caasimada Dalka Itoobiya Oo Maanta La Aasay.

Addis(GNN):-Waxaa Maanta aas si balaadhan loo abaabulay loo sameeyey fanaankii Haacaaluu hundesee ee Kasoo jeeday Qowmiyada oromia oo dil qorshaysan habeen saddexaadkii si badheedh ah loogu toogtay gudaha caasimada Dalka itoobiya ee addis ababa.

Aas maanta loo sameeyey fanaankan oo ay kumaan qof oo tageerayaasha fanaankan kamid ahaa kasoo qayb galeen kana soo jeeda qowmiyada oromiya, ayaa isla maanta waxaa lasoo sheegayaa in isriix riixii dadka tirada badan ee kasoo qayb galay aaskan ay ku dhiteen dad ku dhow ilaa toban qof.

Halkan Hoose Ka Daawo Qaabka Uu u Dhacay Aaska Fanaanka Haacaaluu ee Dilku Sababay Rabshadaha ka Socoda Dalka Itoobiya.