“Qoyskeyga geeri ayay igu tiriyeen, xaaskeygana nin kale ayaa guursaday”

Cismaan Xusseen Nuur oo ah nin ku nool magaalada Muqdisho waxaa uu la kulmay arrin naadir ah oo saameyn ku yeelatay noloshiisa.

Cismaan waxaa uu Soomaaliya ka tahriibay xilligii dowladii Cabdullaahi Yuusuf oo ay dalka ka socdeen dagaalo. Waxaa uu doorbiday inuu nolol uu u raadsado dalalka Yurub, waxna ka badelo xaaladda nololeed ee qoyskiisa.

Waxaa uu go’aansaday in uu tahriibo, waxaana safarkiisa uu ka bilaabay Soomaaliya, isagoo sii maray Itoobiya.

Haseyeeshee waxaa lagu qabtay inta u dhaxeysa Sudan iyo Itoobiya, waxaana markii dambe la dhigay xabsi ku yaala Itoobiya oo muddo Ku dhawaad 10 sano uu ku xirnaa.

Itoobiya oo ay adkeyd in qofka xabsiyadeeda gala laga warhelo ayaa waxay keentay in qoyskiisa ay warkiisa waayaan, maadaama ay ku ogaayeen in uu tahriibay, waxayna taas horseeday in geeri lagu tiriryo oo reerkiisa ay tacsi u dhigaan.

“Waxaa la I dhigay xabsi, aan muddo badan ku jiray waxaana dib ugu laabtay Muqdisho, balse markii aan u tegay qoyskeyga, way argagaxeen, qaar way yaabeen oo gacmaha ayay afka saareen, qaarna way ku farxeen maadaama ay geeri igu xisaabeen”, ayuu yiri Cismaan Xusseen Nuur oo la hadlayay BBC-da.

.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu la kulmay xaaskiisi hore oo noolal cusub bilawday.

“Waxaan la kumay xaaskeyga oo uu ninkale guursdaay, maadaama markii la i waayay ay asay qaaday, ninkalena uu guursdaay, hadda magalaada ayay degan tahay iyadoo la qabo, indhahana ima siin karto”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Arrimahaas ayuu sheegay in saameyn ku yeelatay noloshiisa, maadaama sida uu sheegay haatan carrurtiisa aysan la joogin, xaaskiisiina laga guursaday, qoyskiisana ay geeri ku tiriyeen, noloshii uu u tahriibayna uusan helin.

Waxaase laga yaabaa in qaar idin kamid ah aad is weydiineysaan suurtagalnimada ah inuu markale dib ugu laaban karo xaaskiisa iyo waxa ay diinta Islaamka ka qabto, waxaana su’aashaas wax ka weydiinay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah cullimada Soomaalida.

.
 

Wuxuu sheegay in qisada noocaas oo kale ay dhacday xilligii khulafaa u Raashidiin oo ahayd nin jinni uu dafay, afar sanana uu la maqnaa, taasina lagu saleeyo dhacdooyinka noocaas oo kale ah.

“Haddii ninkii xaaska qabay uu dib kasoo baxo, waxaa ninkaas la gudboon laba shey oo kala ah:

  • In uu yiraahdo haweeneyda hala iisoo celiyo oo maxkamadda inta la geeyo nikaaxii dambe la fasakho kadibna ay ka cidda tirsato guurkii koowaad,
  • Waxaa kale oo ninka la gudboon in uu iska daayo oo ninka xaaskiisii guursday uu yiraahdo isoo celi wixii meher ah ee iga baxay haddiiba ay jirto”, ayuu yiri Sheekh Umal.”

Qisadan oo ah mid dhif iyo naadir ah ayaa kamid ah waxyaabaha dadka qaar ay ka dhaxleen dhibaatooyinka tahriibka, kaas oo muddooyinkii dambe ay ku dhiiradeen dhallinyara badan oo doorbiday inay nolol u raadsadaan dalalka Yurub iyo Mareykanka, kuwaas oo qaar badan oo kamid ah ku dhintay badaha.

xigasho bbc