Covid-19: Kiisaskii ugu badnaa oo maalin keliya laga diwaan geliyay Rwanda

Rwanda ayaa Axaddii diwaan gelisay 200 oo kiisaska coronavirus ah – waa tiradii ugu sarreysay oo maalin keliya laga diwaan geliyo dalkaas tan iyo intii laga helay kiiskii ugu horreeyay bishii March.

Inta badan kiisaska cusub ayaa laga soo sheegay magaalada caasimadda ah ee Kigali.

Ilaa iyo haatan in ka badan 3,000 oo kiisas ayaa laga soo sheegay Rwanda, iyadoo 1,000 ka mid ah la diwaan geliyay labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Waxaa fayraska dalkaas ugu dhintay 12 qof.

Toddobaadkii la soo dhaafay, labada suuq ee ugu weyn caasimadda dalkaas ayaa la xiray muddo toddobaad ah.

Kiisaskan cusub ayaa abuuray walaac ah in xayiraado dheeraad ah lagu soo rogo magaalada.

Rwanda waa dalkii ugu horreeyay ee dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya ee soo roga xayiraad buuxda, kaddib markii laga helay kiiskii koowaad.

Exit mobile version