Wiil Soomaali ah oo guul weyn ka gaaray tartan orod oo ka dhacay Switzerland

Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdisalaan Cali ayaa shalay ku guuleystay orodka 5000m ee dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 20-ka sano ee U20, kaas oo ka dhacay dalka Switzerland.

Tartankan oo lagu qabtay magaalada Frauenfeld ee dalka Switzerland ayaa Cabdisalaan waxa uu ku orday muddo dhan 14:36.17.

Sanadkii la soo dhaafay Cabdisalaan ayaa dhammeystay wareegga labaad ee tartanka 10,000m ee U20 oo lagu qabtay Zurich. Wuxuu sheegay inuu ku hanweyn yahay inuu kaalin sare ka galo tartanka 10,000m oo sanadkan lagu qaban doono magaalada Bern.

Cabdisalaan oo dalka Switzerland tegay sanadkii 2016 ayaa oroddadaan uga qeyb gala magaca iyo calanka dalka Soomaaliya. Waa qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo guul ka soo hooya oroddada 5000m iyo 10,000m ee dalkaasi Switzerland.

Exit mobile version