Doorashadii uu Abiy Axmed diiday oo ka socota gobolka Tigreega

Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa saaka laga billaabay codeynta doorashada, iyadoo aan dhag loo dhigin hadal kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo kasoo hor jeeday in doorasho laga sameeyo halkaas.

Codbixiyayaasha ayaa waxay aroortii hore ee saaka u dareereen goobaha loo asteeyay inay codeynta ka dhacdo.

Waxaa sawirro laga soo qaaday dad maaskaro xidhan oo cabirka heer kulka laga baadhayo marka ay gudaha u galayaan goobaha codbixinta.

Waxaa codeynta la joojinayaa saacaddu marka ay ku beegan tahay 18:00 waqtiga maxalliga ah.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa doorashadan ku gacan seydhay.

Dadka codeynta ka qeyb qaadanaya ayaa lagu caawinayay dadaallada ka hortagga fayraska Corona

Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay hor istaagto doorashada.

Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadan ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June.

Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona.

Mr Abiy ayaa sheegay in doorashada maanta dhacayso aysan wax farqi ah ku keeni doonin go’aankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada.Ra'isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladiisa aysan tallaabo militari qaadi doonin .

“Doorashadu ma aha mid sharci ah sababto ah guddiga doorashada oo kali ah ayaa doorasho qaban kara,”waxaa uu sidaasi Dr Abiy ku sheegay wareysi uu siiyay xalay telefishinka qaranka Itoobiya.

Xisbiga TPLF iyo dowladda dhexe ayaa tan iyo intii uu xafiiska yimid Dr Abiy Axmed waxaa u dhaxeeyay muran xooggan.

‘Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega, waxaan u dirayaa maaskaro’

Xisbigii TPLF axay ka digeen qalalaaso haddii la isku dayo in dorashada la horistaago

Ma jiro wax qalalaase ah oo ilaa hadda laga soo tabiyay gobolka ay ka socoto doorashada aysan raalliga ka ahayn dowladda dhexe ee Itoobiya.

Dr Abiy Axmed ayaa ku adkeystay in uusan awood u adeegsan doonin waxa ka socda gobolkaas.

“Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari. Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega waxaan u dirayaa maaskaro, si ay isaga difaacaan fayraska corona.” Ayuu yidhi.

“Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari.”ayuu intaa ku daray

Shan xisbi ayaa lagu wadaa in doorashada maanta ay ka qeyb galaan, halka kuwa kalana ay qaadaceen.

In ka badan 2.7 milyan oo ruux ayaa u diiwaan gashan inay gobolka Tigreega doorashada uga codeeyaan.

Natiijada waxaa la filayaa in lagu dhawaao maalinta Khamiista ah oo tirinta codadka la dhammeystirayo.

bbc somali