“Xukuumadda Muuse Biixi Waa Inay Fuliso Qodobbada Suurtagalka Ka Ah Heshiiskii Khaatumo….” Baashe Cali Jaamac.

Hargeisa(GNN):-Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo Xukuumaddii hore Axmed-siillaanyo ka soo qabtay xil wasiirnimo, gaar ahaan xilka Wasiirka Wasaaradda Biyaha, haddana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay heshiiskii ay wada-galeen Xukuumaddii hore iyo Khaatumo, waxaanu ku baaqay in la fuliyo qodobbada suurtagalka ah, dibna loogu noqdo qodobbada aan la fulin karin.

Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumaddii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Axmed-sillaanyo iyo Khaatumo, waxay wada-galeen heshiis, oo qodobbo ayaa la isla meel dhigay, si loo dhaqan-galiyo, markaa Xukuumadda Muuse Biixi waa inay fuliso qodobbada suurtagalka ah heshiiskii ay wada-galeen Xukuumaddii Siillaanyo iyo Khaatumo, waana daruuri in heshiiskii dib loogu noqdo oo la dhaqangaliyo qodobbada muhiimka ah, qodobbada aan la fulin karina dib ayaa loogu noqon karaa oo dib ayaa loo sixi karaa, ama waaba la iska dayn karaa, laakiin muhiimadda ayaa ah in la fuliyo qodobbada la fulin karo…”.

Dhanka kale, Siyaasi Baashe Cali Jaamac, ayaa soo dhaweeyey heshiiska nabadeed  beelaha dhawaan dagaalku ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Sool, waxaanu ugu baaqay inay heshiiiskaas la dhex dhigay sidiisa u qaatan oo aanay mar dambe jabin, kana dheeradan wax kasta oo colaad ka dhex abuuraya.