Dawlada Ethiopia Oo Qabsatay Magaalada Adigrat, Caasimada Tigraygana Ku Sii Siqaysa.

Addis(GNN):-Dawlada Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay qabsadeen magaalada, Adigrat, isla markaana ay ku sii siqayaan caasimada Gobolka Tigrayga ee Mekelle.

Magaaladan Adigrat ayaa 116km (72 miles) Waqooyi kaga beegan caasimada gobolka ee Mekelle. Ma Jiro jawaab degdeg ah oo ka soo baxday Ciidamada Tigrayga ee (TPLF).

Horraantii bishan November kaddib markii ay ciidamada difaaca Itoobiya weerarreen saldhigyada xoogagga Tigrayga.

Boqolaal qof ayaa ku  dhintay intii ay dagaalladu ka socdeen dalka Ethiopia, sidoo kale dad ku dhaw 30, 000 oo qaxooti ah ayaa isaga cararay deegaannada dagaalku ka socdo, kuwaas oo dalay dalka Sudan.