Ergayga Midowga Yurub Ee Soomaaliya Oo Hargeysa Ka Sheegay Inay Dabecday Midnimadii Shacabka Reer Somaliland.

Hargeisa(GNN):- Midowga Yurub ayaa ka hadlay Midnimada Shacabka Somaliland, wixii ka dambeeyay doorashadii 2017-kii.

Ergayga dalalka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez oo Shalay ka qayb-galay Munaasibad lagu daah-furay dib u furista Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka soo socda, ayaa sheegay in Midnimada Shacabka Somaliland aanay la mid ahayn sidii ahayd 2005, 2016 illaa 2017-kii isla-markaana uu u dhexeeyo Farqi.

Nicolas Berlanga Martinez waxa kale oo uu ka hadlay Midnimada Xisbiyada Qaranka ee dhinaca in doorashadu ku qabsoonto xilligii loogu Talo-galay, waxaanu sheegay inuu arrintaa bogaadinayo, soona jeedinayo in midnimadaasi sii waarto.

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ugu horrayn ka hadlaya Midnimada Shacabka reer Somaliland wuxuu yidhi  “Markaynu ka hadlayno Midnimada, Jecelow ama ha Jeclaanin Midnimada Bulshada reer Somaliland maaha sidii ay ahayd 2016-kii, Doorashadii 2017-kii ama 2005-tii markii doorashadii Baarlamaanku dhacday, midnimadiinu halkii ma taagna (Maanta)…”

Ergaygu waxa kale oo uu ka hadlay sida Xilligan Xisbiyada Somaliland ugu midaysan yihiin In doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo “In badan baa laga hadlay Midnimada Xisbiyada, in badan baan Markhaati u ahaa Tafaraaruqa dhibaatadii uu keenay iyo siday Xisbiyadu ugu midaysan yihiin imika in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, waxaan Xisbiyada ku dhiirigelinayaa Waddadaa Midnimada inaad haysaan.” ayuu yidhi.