Dowladda Itoobiya Oo Hub ka Dhigis ku Samaysay Askarta Tigrayga Ee ka Jooga Somaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii ku baaqday in hub ka dhigs lagu sameeyo Askarta ka soo jeeda qowmiyada Tigrayga ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Amarkan ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa u muuqda mid wiiqaya awood ciidamada Itoobiya eeku sugan gudaha dalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira xoogagga Ururka Al-shabaab.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in 200 ilaa 300 oo Askari oo Tigray ka howlgala Soomaaliya durbaba hubka laga dhigay waxeyna dowladda Itoobiya sheegtay in arintan ay tahay tallaabo loo qaaday dhinaca nabad-galyada.

Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa horaantii bishan bilaabay in ay la dagaalamaan Jabhada gooni u goosadka ee TPLF, waxaana dagaalka ay dowladdu la gashay uu u muuqdaa mid saameyn weyn ku yeeshay gobolka oo Soomaaliya ka mid tahay.