Dowladii Labaad Oo Maanta Muwaadiniinteeda kala Baxday Gobolka Tigreega Ee Itoobiya

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay ku guuleysatay inay kala soo baxday 9 qof oo ka mid ahaa muwaadiniinteeda kuna go’doonsanaa gobalka Tigreega ee ee ay ka socdaan dagaalada dalka Itoobiya,

Safaaradda Masar ee Itoobiya oo warbixin kaoo saartay arrintaan ayaa sheegtay in lagu guuleystay in muwaadiniin Masaari ah laga soo saaray magaalada Mekele ee xarunta u ah gobalka Tigreega.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in dadaalka looga soosaray muwaadiniintaan halkaas uu qaatay muddoo laba isbuuc ah, iyadoo ay gacan wayn ka geystayn Qaramada Midoobe, Laanqeyrta Cas iyo dowladda Itoobiya.

Safaaradda ayaa ugu baaqday muwadiiniinta kale ee jooga gudaha Itoobiya inay muujiyaan degganaan, xiriirna la lahaadaan maamulka safaaradda si loo caawiyo.