Hay’ad sheegtay in 600 oo qof oo lagu dilay gobolka Tigray

Koox dhallinyaro ah oo ay gacan siinayaan booliska iyo maleeshiyo ayaa ugu yaraan 600 oo qof ku dilay waqooyiga gooblka Tigray 9-kii November, waxaa sidaas Talaadadii sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha Ethiopia.

Xasuuqan ka dhacay magaalada Mai-Kadra, ayaa ah weerarkii ugu xumaa ee shacabka loo gaysto inta uu socdo dagaalka gobolka ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Amnesty International ayaa horey u sheegtay in 9-kii November magaalada Mai-Kadra “lagu dilay tobanaan ama boqolaal qof, oo la mindiyeeyey kadib markii garbo duub loo xiray.”

Hase yeeshee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey dhacdadan, waxayna ku eedeeyeen koox dhallinyaro Tigray ah oo lagu magacaabo Samri inay beegsadeen shaqaalaha aan Tigrayga ahayn ee ka howlgalo beero ku yaalla gobolka.

EHRC waxay ku xiran tahay dowladda, balse waa guddi madax-banaan waxaana hoggaamiya Daniel Bekele, oo uu magacaabay Abiy Ahmed.

Si kastaba, qaxooti Tigray ah oo ka cararay magaalada Mai-Kadra islamarkaana gaaray Sudan ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyey dilalka halkaas ka dhacay.

QM iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay baaritaan dhex-dhexaad ah oo lagu sameeyo waxa dhab ahaan dhacay.

AFP