QISO DHAB AH, SIRTA FARXADA IYO NOLOSHA QOYSKA, QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)

Raggu waxay aad ugu mashquulaan iney wax ka ogaadaan sirta haweenka ama qaabka ay u fekeraan, balse waxa laga yaabaa in haweeneydu kuu sheegto ujeeddo ka soo horjeeda arrinkaa, waxana jira siro dumarka ku gadaaman oo aaney jecleyn in raggu ogaado amase aaney uga jawaabin.

 

Haddii aan wax ka taabto sirahaas, dumarka, waxa ka mid ah Hinaasaha, dumarku ma jecla iney tusto ninka ay jeceshahay haddii uu dumar kale la hadlo iney ka hinaastay, waxaaney iska dhigaan kuna dadaalaan inaan laga dareemin hinaasaheeda, balse waxa la ogaadaa markuu sida fulkaanaha u qarxo. 

Waxa soo raaca quruxda gabadh kasta waxey isu haysataa iney adduunka ugu qurux badan tahay, waxaa suurta gal ah inaaney jecleyn iney raggu ogaadaan in quruxdeedu IS CAJIBISEY ama isu haysato ta ilaah aduunka ku abuuray ee ugu qurux badan. Waxaa ka mid ah oo ay dumarku neceb yihiin in raggu ogaado kabaha ay xidhato lambarkeeda. 

Dumarku waxay raga ku qiimeeyaan hadba kabaha uu xidhan yahay, haddii ninku xidhan yahay kabo madhay iney u qaadaneyso ninkaasi inuu yahay nin aan xoolo haysan oo caydh ah. Waxa soo raacda Sirta dumarka aaney jecleyn in Raggu ogaado miisaankeeda, waxay ka sii neceb yihiin miisaankaaga waxbaa iska dhimay, waxay dumarku been ka sheegaan dukaameysigooda ama (shopping) oo qariyaan sheyga ay soo iibsato qiimahiisa.

 

Haweenku waxay sirahooda la wadaagaan  asxaabtooda halkay seygeeda la wadaagi laheyeen, hase ahaatee sirta farxadda noloshu waa isfaham, KALSOONI, kala danbeyn, dulqaad iyo wadatashi.

 
PROF, MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)
ANKARA, TURKIYA.