Dalka Ghana oo maanta looga dareeray doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka

Dalka Ghana waxaa maanta ay dadku u dareereen codbixinta madaxweynenimada iyo baarlamanaka dalkaasi

Madaxweynaha hadda talada haya ayaa wajahaya loolan adag oo uu kula jiro Madaxweynihii hore ee dalkaasi John Mahama iyo 10 musharax oo kale.

Labadan nin ee ugu adag tartanka ayaa horay usoo loolamay.

17 milyan oo reer Ghana ah ayaa u dareeray doorashada guud ee dalkaasi. Goobaha codbixinta ayaa waxaa la furay 7-di subaxnimo ee xilliga Ghana, iyado la ilaalinayo sharciyada fayraska lagu xakameeynayo.

Hase yeeshee waxaa aad u adag in xarumaha qaar ee codbixinta ka socota la ilaaliyo kala fogaanshiyaha bulshada. Guddiga doorahsada ayaa sheegaya in codbixyaasha aanan xirnayn maaskarada ama afxirka laga soo celinayo goobaha ay codbixnta ka socota.

Waa doorashadii 8-aad tan iyo markii Ghana laga bilaabay nidaamka xisbiyada sannadkii 1992. Waxaana dalka soo martay 5 madaxweyne.

Waxaa la filayaa iney dadka aad isugu soo baxaan doorashadaan iyadoo natiijadana la filayo iney ku soo baxdo muddo 24 sacaadodd ah.

Ghana waxaa loo tixgeliyaa inay ka mid tahay dalalka ugu dimuqraadiyadsan galbeedka Afrika.

Doorashooyinkii hore ayaa waxaa hareeyay rabshado ay bilaabeen kooxo ay soo kireysteen siyaasiin, balse sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa la meel mariyay sharci lagu ciqaabayo kooxahaasi oo ugu yaraan 10 sannadood oo xabsi ah.

Kow iyo toban musharax ayaa ku tartamaya kursiga uu haatan ku fadhiyo madaxweyne Nana Akufo-Addo, oo markii labaad doonaya inuu dalka sii xukumo.