Dowladda Britain oo “xayiraad” ku soo rogtay shimbiro

Dowladda Biritain ayaa amartay in digaaga iyo qaar kale oo ka mid ah shimbiraha lagu haayo guryaha wixii ka bilawdo 14 bisha December si looga hortago faafidda hergabka shimbiraha.

Madaxa xanaanada ee dalka UK ayaa go’aankan gaaray kaddib markii ay kiisaska heergabka laga helay shimbirahaan ay sii kordheen.

Halista uu dadka u gaysan karo cudurkan ayaa ah “mid aad u yar” sida ay sheegtay dowladda Ingiriiska, waxaa sidoo kale la sheegay in uusan saamayn ku yeelan doonin isticmaalka soo saarka digaaaga.

Iyada oo uu arrinkan walaac ku abuuray dadka xanaaneeya digaaga xilliga uu dabaal-daga ciidda diinta Masiixiga uu soo dhawyahay.

Sharciyadan cusub ayaa khuseeya dhamaan milkiilayaasha shimbiraha ku nool Britain.