Qareenka Madaxweyne Trump, oo la dhigay isbitaal

Sida aad warkaba ku maqlayseen, qareenka Madaxweyne Trump, Rudy Giuliani, ayaa waxaa la sheegay in istibaalka la dhigay kaddib markii laga helay cudurka Covid-19.

Mr Giuliani, 76, ayaa waxaa la dhigay isbitaalka Georgetown University medical centre ee Washington DC, sida ay qoreen warbaahinta New York Times iyo ABC News.

Maayirkii hore ee New York ayaanan meel fagaare ah ka sheegin xanuunka laga dawaynayo.

Ma ay cadda inay ka soo baxeen caalamadaha iyo marka uu cudurku ku dhacayba.

Ku dhawaad 14.6 milyan oo qof ayaa waxaa gudaha Mareykanka uu kula dhacay cudurka Covid-19, sida ay sheegtay Jaamacadda John Hopkins, halka 281,234 qofna ay u dhinteen – tiradaas oo ah tan ugu badan dal caalamka ku yaal.