Dunida oo ka walaacsan nooca cusub ee fayraska karona ee Ingiriiska ka dillaacay

Waxa soo baxaya walaac isa soo taraya oo dunidu ka muujinayso firka cusub ee karona ee laga helay Ingiriiska.

Taasi oo keentay in diyaaradihii u kala gooshi jiray ay dalal badani joojiyaan.

Hase yeeshee khubarada hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegaya in aan ilaa haatan la hayn wax caddaynaya in fayraskan cusbi ee Ingiriiska laga helay si fudud la isku qaadsiin karo oo uu ka halis badan yahay noocyadii hore u jiray.

Dalalka Yurub ayaa xayiraado dhanka socdaalka ah ku soo rogay Ingiriiska ka dib markii dalkaasi sheegay in fir-cusub oo aad loo kala qaado oo fayraska karona ah wadankaas laga helay.

Ireland, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Holland iyo Belgium ayaa dhamaantood joojiyey diyaaradihii u kala duuli jiray wadamadooda iyo Ingiriiska.

Waxa sidoo kale shalay lagu waday shir ay iskugu yimaadaan xubnaha Midowga Yurub oo lagaga arinsanayo sida tallaabo wada jir ah oo ka hortag ah loo qaadi lahaa.