Nooc cusub oo fayruska COVID-19 ah oo soo shaac baxay

In ka badan afartan waddan ayaa dhamaan joojiyey in dalka Britain looga soo dhoofo sababo la xidhiidha jiilka ama nooca cusub ee laga helay hidde siddaha virus-ka COVID-19.

Diyaaradihii Britain ka tegayey ee u socday dalalka sida Sacuudiga, Spain, India iyo waliba kuwo kale ayaa la joojiyey.

Faransiiska ayaa xidhey 48 saacadood xuduud badeedka uu la leeyahay Britain waxaana ku xayiran dekadda Dover boqolaal baabuurta xamuulka qaada ah iyo doonyihii u kala gooshi jirey labada dhinac.