Gabar Uu Dhalay R/Wasaarihii Hore Ee Itoobiya Meles Oo Xabsiga la Dhigay.

Gabar uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa xabsiga la dhigay, sida ay shaacisay hooyadeed oo saxaafada la hadashay

Semahal Meles waxaa lagu xiray magaalada Makelle ee caasimadda gobolka Tigray sida ay warbaahinta u xaqiijisay Azeb Mesfin oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Meles Zenawi, lamana sheegin weli sababta loo xiray.

Ciidamada militeriga dowladda federaalka Itoobiya ayaa magaalada Makelle la wareegay dabayaaqadii bishii November, kaddib markii lasoo afjaray dagaal socday saddex isbuuc oo u dhaxeeyay iyaga iyo xoogagga Tigray ee daacadda u ah xisbiga TPLF.

Semahal waxay Makelle u safartay ka hor inta uusan dagaalka dhicin, si ay uga soo sameyso cilmi-baaris ku aaddan filim ay ka diyaarineysay aabbeheed Zenawi, oo ahaa nin magac weyn ku dhex leh qabiilka Tigray iyo xisbiga TPLF ee muddada dheer soo hayay talada dalkaas.

Meles wuxuu hoggaanka Itoobiya hayay intii u dhaxeysay horaantii 1990-kii ilaa markii uu dhintay oo ahayd sanadkii 2012-kii.