Erdogan oo ka hadlay xiisadda kala dhaxeysa Greece iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in uu jiro dariiq ay Turkiga iyo Giriiguba kaga wada faa’iideysan karaan khayraadka badda ee ay ku muransan yihiin.

Hadalkan ayaa imanaya iyada oo ay u badan tahay in cunaqabateyno ay Midowga Yurub saaraan Ankara kahor inta aanay isugu iman shir ay leeyihiin waddamada xubnaha ka ah midowgaasi.

Yurub, Turkiga iyo Giriiga ayaa in mddo ah isku mari waayey siddii loo xalin lahaa khilaafka ka dhasahay barriga badda madhatareeniyanka.