Maxaa ka dhalan kara bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya?

Dawladda Maraykaka ayaa toddobaadkii hore shaaca ka qaadday in ciidankeeda Soomaaliya jooga ay la baxayso, iyada oo xitaa taliyeyaasha militariga Maraykanku ay qireen in khatarta ururka Al-Shabaab aan wali la baabi’in.

Afhayeenka hoggaanka ciidanka Maraykanka ee Afrika, Colonel Chris Karns ayaa horay VOA ugu sheegay in khatari ay wali jirto, hase yeeshee ururka la xakameeyey kadib markii culeys la saaray.

Haddaba wariyaha VOA-da Steve Miller ayaa natiijada ka dhalan karta ciidanka uu Maraykanku Soomaaliya kala baxayo ka wareystay Judd Devermon oo ah isu duwaha barnaamijka Afrika ee Xarunta Daraasaadka Caalamiga iyo Istaraatiijiyada ee magaalada Washington.