Faransiiska oo bilaabay inuu dib u furo xudduudihiisa dhanka dhulka

Faransiiska ayaa bilaabay inuu dib u furo xuduudihiisa dhanka dhulka ah ee uu la leeyahay Britain, kadib xiritaan labo maalmood ah oo sababtay inay kumannaan gawaari xamuul ah ku xayirmaan England.

Dalalka Yurub ayaa xayiraado cusub ku soo rogay dalka Ingiriiska, kadib markii dalkaasi laga helay nooc cusub oo Coronavirus ah.

Nooca cusub ee fayraska korona, ayaa si degdeg ah ugu faafay magaalada London iyo Koonfurta-Bari England.

Qaar ka mid ah waddamada reer Yurub ayaa joojiyay dhammaan duullimaadyadi Ingisriiska ka imanayey.