Wefti uu madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo oo gaaray Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanada ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa safar ugu ambo baxay dalka Jabuuti, kaddib casuumad uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha dalka Jabuuti sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

.