Hargeysa: Dhallinyaro shaqo iyo Carbis Helay.

Hargeisa(GNN):-Shan iyo lixdan dhallinyaro ah ayaa fursado shaqo ka helay Carwada Shaqo-abuurka Qaranka, oo muddo laba cisho ah ka socotay magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Carwadan oo uu furay Madaxweyne ku xigeenka Jamahuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayay ujeedadeedu ahayd in shaqo-abuur dhallinyarada loogu sameeyo, iyada oo la isku xidhayo loo Shaqeeyaha iyo  Shaqo doonka Xirfada leh.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay go’an tahay in la dhiiri-geliyo shaqo-abuurka dhalinyaradda. Carwaddan ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Xukuumaada iyo Ha’yaddaha ay wada shaqanta leeyihiin .